HomeWararMuuse Biixi oo markii ugu horreysay shaaciyay xilliga ay dhaceyso Doorashada Somaliland

Muuse Biixi oo markii ugu horreysay shaaciyay xilliga ay dhaceyso Doorashada Somaliland

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa Somaliland, xilli uu khilaaf xooggan oo la xiriira doorashada uu ka dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland. Madaxweyne Muuse Biiixi ayaa waxaa uu sheegay in sanadka cusub ee 2023 uu Maamulka Somaliland u noqon doono sanad doorasho, isla markaana 28-ka bishaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa Somaliland, xilli uu khilaaf xooggan oo la xiriira doorashada uu ka dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biiixi ayaa waxaa uu sheegay in sanadka cusub ee 2023 uu Maamulka Somaliland u noqon doono sanad doorasho, isla markaana 28-ka bishaan December 2022 ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 28-ka January 2023 lasoo gaba-gabeynayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, isagoona shacabka gaar ahaan dadka uu ka lumay kaararka codbixinta ka dalbaday inay fursad heystaan oo ay kararka qaatan.

“Sanadkan dhowaan bilaabanaya wuxuu noqon doonaa, Insha allaah sanad doorasho, is diiwaan-gelinta waxay bilbaaneysaa 28-ka bishaan waxay dhammaaneysa 28-ka January. Qaranka guud ahaan waxaa ugu baaqayaa ciddii kaarka ka lumay ama kuwa qaadanaya in la siiyo fursad,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu intaas sii raaciyay hadalkiisa Madaxweynaha oo ka hadlaayay furitaanka ciyaaraha tartanka horyaalka Somaliland ““Gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay maanta codkooda kaga qaybgalaan dalka hoggaamintiisa”.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee kasoo horjeeda ugu baaqay inay isku diyaariyaan tartanka, ayna ka fakiraan hadallada ay jeedinayaan, si aysan u dhaawicin Somaliland.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashooyinka, waxayna xiisaddu kasii dartay markii xisbiyada mucaaradka ay si weyn uga biyo diideen muddo kordhinta loo sameeyay Muuse Biixi Cabdi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts