HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku riday Sarkaal horey uga tirsanaa...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku riday Sarkaal horey uga tirsanaa Millateriga Somalia

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday, sarkaal horey uga tirsanaa milatariga oo lagu helay dambi ah, inuu maleegay weerar horraantii sanadkan lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo la yiraahdo Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow ayaa ciidanka Soomaaliya ku biiray xiligii dawladdii Cabdillahi Yuusuf, inkastoo markii dambe laga saaray 2018 kii.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa sheegtay in uu sarkaalkan gaarigiisa ku geeyay gudaha garoonka Aden Cabdulle labadii nin ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerartay garoonka diyaaradaha 23 kii bishii Maarso ee sanadkan 2022, waxana weerarkaas ku dhintay askari ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee booliska Soomaaliya ee loo yaqaano Haramcad.

Maxkamaddu waxay kaloo sheegtay in Maxamed uu ka dambeeyay qarax la geeyay xarunta ciidamada ee Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

- Advertisement -

 

Latest stories