HomeWararXukuumadda Soomaaliya oo daah-furtay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda

Xukuumadda Soomaaliya oo daah-furtay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa sheegay in ay muhiim tahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa sheegay in ay muhiim tahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda.

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay arrintaan ay muujinayso xoojinta iyo kor u qaadid hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada Dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka maaliyadda.

Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan  hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono.

Latest stories