HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Xukun ku ridday Eedaysane loo haystay Al-Shabaabnimo

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku ridday Eedaysane loo haystay Al-Shabaabnimo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Alshabaab  una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo lasheegay inuu 7miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole. August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla […]

- Advertisement -

Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Alshabaab  una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo lasheegay inuu 7miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

- Advertisement -

Waxa maxkamaddu ay sheegtay in uu Alshabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole taasi oo keentay in lasoo qabto isaga oo dhaawac ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha, manta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) Xabsi Daa’in  sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Latest stories