HomeCaalamkaMareykanka cunaqabatayn kusoo rogay Ganacsade caan ah iyo sababta keentay

Mareykanka cunaqabatayn kusoo rogay Ganacsade caan ah iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Mareykanka ayaa khamiistii cunaqabatayn kusoo rogtay ganacsadaha caanka ee Turkish-ka ah Sitki Ayan, oo lagu eedeeyey inuu ka howlgaley shabakd ganacsi oo maamuleysay saliid lagu qiimeyey boqolaal milyan oo dollar oo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Iran. Ayan, oo ku dhow madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, wiil uu dhalay Ayan, iyo sarkaal ciidan ayaa lagu daray […]

- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa khamiistii cunaqabatayn kusoo rogtay ganacsadaha caanka ee Turkish-ka ah Sitki Ayan, oo lagu eedeeyey inuu ka howlgaley shabakd ganacsi oo maamuleysay saliid lagu qiimeyey boqolaal milyan oo dollar oo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Iran.

Ayan, oo ku dhow madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, wiil uu dhalay Ayan, iyo sarkaal ciidan ayaa lagu daray liiska cunaqabataynta wsaaaradda maaliyadda Mareykanka.

- Advertisement -

Waxaa la hakiyey hanti kasta oo shaqsiyaadkaas ka taalla Mareykanka, waxaana lagana mamnuucay inay galaangal ku yeeshaan suuqyada maaliyadeed iyo ganacsiga adduunka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in Ayan uu ka caawiyey Guutada Quds oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah fududeynta iibka saliid ay maamusho oo la geeyey Shiinaha, Bariga Asia, Yurub iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa uu gacan ka gaystay in lacagta kasoo baxday iibka uu gaarsiiyo Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayey tiri wasaaradda maaliyadda.

Latest stories