HomeWararMuxuu yahay Qorshaha MW Xasan Sheekh ee wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland?

Muxuu yahay Qorshaha MW Xasan Sheekh ee wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland?

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka  fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada  DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Soomaaliland.

Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Mudane Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.

Latest stories