HomeWararMaxay tahay Farriinta Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan La wareegista Aadan...

Maxay tahay Farriinta Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan La wareegista Aadan Yabaal?

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kashanaya kuwa deegaanka ayaa la wareegay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo markii hore ay Al-shabaab ku xoogganaayen.

Degmada Aadan Yabaal oo ah degmo muhiim ah ayaa xuduud la’ leh gobollada Hiiraan, iyo Galgaduud, oo ah deegaannadii bilihii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaallada u dhaxeeya Shabaab iyo dadka deegaannadaas.

- Advertisement -

Aadan Yabaal waxay ahayd ubucda Al-shabaab ee gobolka Sh/dhexe,waxaana qabsashadeeda loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ay qaadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka wasaarada gaadhaandhigga Janaral Cabdulahi Cali Caanood, oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Aadan Yabaal ay uga sii gudbayaan hadda gobollada kale ee Al-shabaab ku harsanyihiin.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin muuqaal ah soo diray ayaa ka hadlay qabsashada degmada Aadan Yabaal, isagoo xaqiijiyay in goobtaas ay hadda ku sugan yihiin ciidanka dowladda.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal socday in ka badan 20 daqiiqo xoogga ku saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegay in uu labo arrin ka codsanayo shacabka.

“Labo waxyaabood oo aan maanta dadka Soomaaliyeed ka codsanayo waxay kala yihiin; in ay adkeystaan muddada gaaban, xanuunka gaaban, qaraxa bey xagga dhigeen, xidka ayey miino dhigeen, baabuur qarax ah ayey meel hebel joojiyeen, in ay u dul qaataan oo ay adkeystaan….” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Latest stories