HomeWararRW Xamse “Si barakaca loo joojiyo, waa inaan xoojinaa dagaalka aan kula...

RW Xamse “Si barakaca loo joojiyo, waa inaan xoojinaa dagaalka aan kula Jirno AL-Shabaab”

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horreeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.
Mudane Xamse ayaa furitaanka shirka, oo socon doona saddex maalmood, ka sheegay in xukuumaddiisa oo ka shaqeyneysa in la helo xalka ugu haboon ee barakaca lagu xallin karo ay go’aansatay in Al-Shabaab lala dagaalo ilaa dalka dhan laga saaaro, si dadka ay soo barakiciyeen ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ay deegaannadoodii ugu laabtaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaabaan.
“Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barcayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay Al-Shabaab la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Shirka qaran ee Barakacayaasha ayaa maalmaha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay maskaxda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan, sidoo kalana looga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah.
War-bixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii October ee sannadkaan waxay caddeynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka.

Latest stories