HomeWararQaar ka mid ah Goobaha Ganacsiga Magaalada Muqdisho oo xiran

Qaar ka mid ah Goobaha Ganacsiga Magaalada Muqdisho oo xiran

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Saaka waxa xiran mehradaha iyo dukaamada ku yaala wadada u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdsho. Ganacsatada ayaa ka cabanaysa inay waayeen cid wax ka iibsata kadib markii ciidamada amaanku xireen isu socodka gaadiidka wadada hormarta xarumahooda ganacsi. Wadadan ayaa muddo ku dhaw bil, waxay ciidamada dawladdu ka celinayeen gaadiidka dadweynaha iyaga oo […]

- Advertisement -

Saaka waxa xiran mehradaha iyo dukaamada ku yaala wadada u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdsho.

Ganacsatada ayaa ka cabanaysa inay waayeen cid wax ka iibsata kadib markii ciidamada amaanku xireen isu socodka gaadiidka wadada hormarta xarumahooda ganacsi.

- Advertisement -

Wadadan ayaa muddo ku dhaw bil, waxay ciidamada dawladdu ka celinayeen gaadiidka dadweynaha iyaga oo aan sheegin sababta sidaas loo sameeyay.

Ganacsatada ayaa sheegay in mehradahooda ganacsi ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan sababbo la xiriira xirnaashiyaha wadada, iyo iyagoo waayay cid wax ka iibsata maadaama meel loo soo maro aanay jirin.

Mar kasta oo qaraxyo iyo weerarro ka dhacaan Muqdisho, ciidamada amaanku waxay xiraan wadooyin horleh, iyagoo sidaa u samaynaya amniga dartiis, laakiin taasi waxay saamaysaa ganacsatada mehradaha ku haysta wadooyinka la xiro.

- Advertisement -

Ganacsiyo badan ayaa sidaa ku xirmay ama qarka u saaran inay xirmaan.

Latest stories