HomeWararDagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe iyo Ciidanka Dowladda oo kaabiga ku haya...

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe iyo Ciidanka Dowladda oo kaabiga ku haya Aadan Yabaal

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe, kaasi oo u dhexeeya dagaalamaayasha AL-Shaabab iyo Ciidanka Dowladda iyo kuwa degaanka oo isku dhinac ah. dagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu dhacay degaanno ku dhaw Degmada Aaadan yabaal,w axaana la sheegay inuu khasaare ka dhashay,iyadoo dadka degaanku […]

- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe, kaasi oo u dhexeeya dagaalamaayasha AL-Shaabab iyo Ciidanka Dowladda iyo kuwa degaanka oo isku dhinac ah.

dagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu dhacay degaanno ku dhaw Degmada Aaadan yabaal,w axaana la sheegay inuu khasaare ka dhashay,iyadoo dadka degaanku ay soo sheegayaan inay maqlayeen dhawaq hubka culus oo dhinacyada dagaalamay ay isku adeegsanayeen, waxaana Saraakiil u hadashay Millateriga Soomaaliya ay sheegeen in dagaaaladii dhacay saacadihii ugu dambeeyay ay khasaare gaarsiiyeen AL-Shabaab.

- Advertisement -

sidoo kale Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda ay kaabiga ku hayaan degmada Aadan yabaal oo ah xarunta ugu weyn ee AL-Shabaab ay ku leeyihiin Shabeellaha dhexe, waxaana wararku intaas ay ku darayaan in haatan uu socdo gulufkii ugu cuslaa ee Ciidanka Dowladda iyo kuwa degaanku ay kula wareegayaan degmadaas oo ah mid istiraatiiji ah.

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay sida wararku sheeegayaan degaan u dhaw Aadan Yabaal, waxaana Ciidanku ay hareereeyeen degmada, halkaasi oo warar hoose ay tilmaamayaan in Al-Shabaab ay isaga bexeen degaankaasi, kadib markii Ciidanka Dowladda oo kaashanaya kuwa dadka degaanka ay degmadaasi iyo degaanada ku xeeran ay degaal ku ekeeyeen.

AL-Shabaab ayaa la sheegay in degmada iyo degaanada ku xeeran ay Miinooyin badan ku aaseen, waxaana adag in si fudud lagu galo sida wararka qaar ay tilmaamayaan.

- Advertisement -

Ciidamadu waxaa ay hadda wadaan howlgallo Miina Baaris ah, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo saacadihii ugu dambeeyay warbaahinta la hadlay ay sheegeen in degaanka ay kaabiga ku hayaan, sidoo kalena uu socdo diyaar garow xooggan oo ku aaddan gabi ahaanba sidii degmada iyo degaanada ku xeeran ay ula wareegi lahaayeen.

Degmada Aadan Yabaal ayaa dhawaanahaan waxaa socday dadaalo ay sameynayeen Cidiinka Dowladda oo ay kula wareegayaan, waxaana marba marka ka damebysa soo baxaya warar hor leh oo ku aadan qabashada Aadan Yabaal,inkastoo si rasmi ah aan wali gacanta loogu dhigin sida warar hoose ay tilmaamayaan.

Latest stories