HomeWararMaxkamaddeynta Nin darawal Gaari ku dilay Degmada Balcad oo Maanta bilaabatay

Maxkamaddeynta Nin darawal Gaari ku dilay Degmada Balcad oo Maanta bilaabatay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo sabti ah bilowday Maxkamadeynta Nin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe 29-kii November 2022 darawal gaari ku dilay gudaha degmadaas. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed ayaa si bareer ah u dilay Seylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gaari BL ah, kaasi oo loo dilay muran […]

- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo sabti ah bilowday Maxkamadeynta Nin degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe 29-kii November 2022 darawal gaari ku dilay gudaha degmadaas.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed ayaa si bareer ah u dilay Seylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gaari BL ah, kaasi oo loo dilay muran ka dhashay lacag lagu qaadayay Bar-koontarool oo ku taalla degmada Balcad.

- Advertisement -

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda ka dalbatay in eedeysane Cabdiraxmaan Caddow Ciise lagu rido xukun dil toogasho ah, maadaama ay dilkaas uu geystay ay ku marqaati fureen dad shacab ah oo saarnaa gaariga uu lahaa Marxuumka dhintay.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamadda ay Go’aanka kama dambeysta ah kasoo saari doonto kiiskaan.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo qabtay Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, kadib markii uu dilay marxuum Seylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gaari BL ah.

Latest stories