HomeWararGuddoomiye Aadan Madoobe oo Dalab hordhigay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dalab hordhigay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo furay kulan haatan u socda Xildhibaanada ayaa dalab u diray Xildhibaano ka tirsan Golaha oo uu sheegay in aysan soo xaadirin weli kal-fadhiga labaad ee Golaha. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in si dhib ah lagu helo kooramka uu ku furmayo kulanka Golaha, wuxuuna […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo furay kulan haatan u socda Xildhibaanada ayaa dalab u diray Xildhibaano ka tirsan Golaha oo uu sheegay in aysan soo xaadirin weli kal-fadhiga labaad ee Golaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in si dhib ah lagu helo kooramka uu ku furmayo kulanka Golaha, wuxuuna faray Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka ee fasax la’aanta ugu maqan dalka dibaddiisa inay si dhaqsi dalka ugu soo laabtaan.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre faray inay dhammeystiraan 9 hindise sharciyeed oo qabyo ah, kuwaasi oo dhawaan loo soo gudbiyey Golaha.

Gaba-gabadii Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in laba jeer uu Xukuumadda ka dalbaday inay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyada looga baahan yahay, isagoona xusay in kuwo haatan ay heystaan ay qabyo yihiin oo wax ka maqan yihiin

Ajendaha kulanka u socda Maanta Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay qaybinta Akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo Warbixin laga dhageysan doono Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo laabtay deegaan doorashooyinkooda.

Latest stories