HomeWararMW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka Tacliinta...

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka Tacliinta sare”

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin-jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan Xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya. Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaatay sanadka, shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin-jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan Xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaatay sanadka, shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca dalka.

- Advertisement -

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.

Latest stories