HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo tagay degaanka Qaayib oo dhawaan Al-shabaab ku qaaday weerar...

Madaxweyne Qoorqoor oo tagay degaanka Qaayib oo dhawaan Al-shabaab ku qaaday weerar culus

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo todobaadkii hore Al-shabaab ku qaaday weerar khasaaro xooggan dhaliyey. Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, gudoomiyaasha degmoonyinka Cadaado iyo Baxdo ayaa soo kormeeray xaaladda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo todobaadkii hore Al-shabaab ku qaaday weerar khasaaro xooggan dhaliyey.

Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, gudoomiyaasha degmoonyinka Cadaado iyo Baxdo ayaa soo kormeeray xaaladda guud ee deegaanka iyo difaacyada iyo furimaha ciidanka deegaanka iyo ciidamada qalabka sida oo iskaashanaya.

- Advertisement -

Madaxweynaha Galmudug oo meel fagaara ah kula hadlay qaar ka mid ah ciidamada, ayaa ku boggaadiyay dagaalka ay kula jiraan, iyo sida ay uga hortagaan weerarka Shabaabka ee deegaanka lagu soo qaado.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Shabaabka lasii joogteynayo oo degmooyin iyo deegaano horleh laga xoreynayo maalmaha soo socda.

Al-shabaab oo laba jeer weeraro ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ku qaaday deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, waxaana weerarada ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Latest stories