HomeWararGolaha Wasiirada oo Ansixiyey siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Hamza Abdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda. Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda ayaa waxa ay […]

- Advertisement -

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Hamza Abdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda.

Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda ayaa waxa ay caawinaysaa xaqiijinta ujeedooyinka dawladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah.

- Advertisement -

Baahida siyaasaddan hirigelinteeda keentay ayaa ah in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti.

Siyaasadda la meel mariyay ayaa meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxbarasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka la qabanayo.

Latest stories