HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dagaal xooggan oo Maanta ka socda deegaanka Nuur-dugle

Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal xooggan oo Maanta ka socda deegaanka Nuur-dugle

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu haatan ka socdaa deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka  heleyno.

Dad ayaa waxaa kusoo warrameen in dagaalkan oo bilowday arroornimadii hore ee saakay uu yimid, kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen degaanka Nuur-dugle oo ay ku sugan yiihin ciidamada macwiisleyda ah.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaan dagaalka socda oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo ogey inta uu la egyahay, xaaladda Nuur-dugle ayaana ah mid kacsan.

Deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay dagaalamayaasha Al-hababaab, waxaana maalmo kahor deegaankan booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ka bixin dagaalka socda ee u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories