HomeCaalamkaRuushka iyo Shiinaha oo sameeyey dhoolatus militari oo wadajir ah

Ruushka iyo Shiinaha oo sameeyey dhoolatus militari oo wadajir ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka. “Ciidamada Cirka Ruushka iyo Ciidamada Cirka ee Ciidamada Xoreynta Shacabka Shiinaha ayaa si wadajir ah roondo hawada ah uga sameeyeen gobolka Asia-Pacific,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda. […]

- Advertisement -

Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

“Ciidamada Cirka Ruushka iyo Ciidamada Cirka ee Ciidamada Xoreynta Shacabka Shiinaha ayaa si wadajir ah roondo hawada ah uga sameeyeen gobolka Asia-Pacific,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.

- Advertisement -

Diyaaradaha Ruushka ee gantaallada xambaara ee TU-95 iyo kuwa Shiinaha ee Xian H-6 ayaa dul maray Badda Japan iyo Badda Bariga Shiinaha muddo sideed saac ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Kadib markii laga go’doomiyey Reer Galbeed tan iyo duulaankii Ukraine, Putin ayaa raadiyey inuu xoojiyo xiriirka Asia, gaar ahaan Shiinaha.

“Markii ugu horreysay taariikhda roondada hawada, diyaaradaha Ruushka waxay soo cago dhigteen Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, halka diyaaradaha Shiinaha ay cago dhigteen dhulka Federaalka Ruushka,” ayey tiri wasaaradda.

- Advertisement -

Dhoolatusyada ayaa la fuliyay “iyado si adag loo raacayo sharciga caalamiga ah” kumana “wajahneyn dalal saddexaad,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Latest stories