HomeWararMaxay yihiin Fursadaha Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ka bannaan?

Maxay yihiin Fursadaha Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ka bannaan?

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo labo maal mood  ka socday Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka Soomaaliya uu leeyahay. Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa galabta soo xiray Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo labo maal mood  ka socday Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka Soomaaliya uu leeyahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.

- Advertisement -

Wuxuuna sheegay in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye, kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan.

Mudane Xamse ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

Shirka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya oo ahaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa mudadii uu socday waxaa la isku weydaarsaday fikrado maal-gashi oo muhiim u ah kuwaas oo haddii la dhaqan geliyo lagana faa’iideysto qeyb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay Soomaaliya hiigsaneyso.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay kasoo qeyb qeybgaleen Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Marti sharaf kale.

Latest stories