HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay degaan hoostaga...

Wararkii ugu danbeeyay Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay degaan hoostaga Warsheekh

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa xalay deegaanka xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay dad isku qoys ahaa.

Dadka la dilay ee isku qoyska ah ayaa ka koobnaa gabar dhallinyaro aheyd, habar-yarteed iyo wiil yar oo ay dhashay, waxaana lagu kala magacaabi jiray AUN Safiyo Sheekh Abuukar Sh. Cabdiraxmaan, Sangaabo Maxamuud Xuseen iyo Abuukar Iidow oo 10-sanno jir ahaa.

Sidoo kale waxaa falkaas ka badbaaday hooyada dhashay Safiyo Sheekh Abuukar, oo wax yar kahor dilka ka tagtay goob ay ku wada sugnaayeen, Rasaas xooggan oo lagu furay ayeyna saddexda qof u geeriyoodeen.

Falka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka Argagaxa leh u geystay qoyska, Dadkan ayaa sida la tilmaamay maalmo kahor xoolo u naq raacay ( Uraray) xaluule oo uu ka da’ay roob.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka xalay ka dhacay deegaanka xaluule uu salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil oo horey uga dhacday deegaankaas, Maanta ayaana dadka la dilay lagu aasayaa tuulada.

Sannadkii hore ayey aheyd markii sidaan oo kale maleeshiyaad hubeysan ay xaluule ku dileen dad isku qoys ahaa oo ay ku jireen hooyooyin iyo carruurtii ay dhaleen, mana jirto cid lasoo qabtay falalkaas.

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan weli ka hadlin dhacdadaan oo dad badan ay aad uga naxeen, falalka aanooyinka qabiilka ah ayaa muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday deegaanada hoostaga degmadaasi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories