HomeWararWararkii ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hoteel Villa Rasa ee Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hoteel Villa Rasa ee Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa wali la maqlayaa Rasaas Goos goos ah kadib markii dagaalamayaal ka tirsan ay xalay galeen Hoteel ku yaalla Xeyndaabka Madaxyooyada kaasi oo ilaa iyi hadda ka dhex-dagaalamayaan AL-Shabaab. Weerarka oo yimid kadib markii dabley hubeysan ay Hoteelka ku qaadeen weerar qarax ku bilowday, waxaana xigay rasaaas toos ah oo ka dhex-billaaabatay Hoteelka. Hoteelka oo […]

- Advertisement -

Waxaa wali la maqlayaa Rasaas Goos goos ah kadib markii dagaalamayaal ka tirsan ay xalay galeen Hoteel ku yaalla Xeyndaabka Madaxyooyada kaasi oo ilaa iyi hadda ka dhex-dagaalamayaan AL-Shabaab.

Weerarka oo yimid kadib markii dabley hubeysan ay Hoteelka ku qaadeen weerar qarax ku bilowday, waxaana xigay rasaaas toos ah oo ka dhex-billaaabatay Hoteelka.

- Advertisement -

Hoteelka oo lagu magacaabo Villa Rose ayaa waxaa ku sugnaa xiliga uu weerarku dhacayay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana dhaawacyo ay kasoo gaareen sida la sheegay qaar ka mid ah Masuuliyiintii halkaasi ku sugnaa.

Ciidanka ammaanka ayaa isla markiiba soo gaaray Hoteelka, waxaana billawday rasaas toos ah oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan, dhawaqa rasaasta ayaana tan iyo xalay ilaa waaberigii hore ee saaaka si aad ah loo maqlayaa.

Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen hoteel ganacsi oo ku yaal bartamah Muqdisho. War qoraal ah oo loo diray saxaafadda ayaa booliisku waxay sheegeen inay koox ka tirsan AL-Shabaab ay weerareen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdishu.

- Advertisement -

Booliiska ayaa intaas ku daray in ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka, Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana lasoo sheegayaa, inkastoo aan la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah, maaddaama aagga weeerarku ka dhacay uu yahay mid aad loo ilaaliyo sidoo kalena ay adag tahay in wax laga ogaado, waxaana dadka intooda badan ay is weydiinayaa sida aaggaas ay ugu suurta gashay in Al-Shabaab ay galaan, maaddaama uu yahay aaaag si weyn loo ilaaliyo sidoo kalena ka ag-dhaw Madaxtooyada.

 

 

 

 

Latest stories