HomeWararDhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal salka ku haya Muran dhuleed oo...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal salka ku haya Muran dhuleed oo ka dhacay Gaalkacyo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegayaa dagaal khasaare nafeed dhaliyay oo ka dhacay meel u dhaw Aagga Saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan ay labo qof ay ku dhinteen isku dhacaasi,waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan. Dagaalka ayaa yimid sida wararku sheegayaan kadib […]

- Advertisement -

Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegayaa dagaal khasaare nafeed dhaliyay oo ka dhacay meel u dhaw Aagga Saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan ay labo qof ay ku dhinteen isku dhacaasi,waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa yimid sida wararku sheegayaan kadib markii muran uu ka dhashay dhul ay isku qabsadeen dhinacyada dagaalamay, waxaana dagaalkaasi uu ka dhacay aagga saldhigga dhexe ee Magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay dagaalkaasi, waxaana lakala dhex-galay labada dhinac ee dirirtu u dhexeysay, kuwaasi oo haatan ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu joojiyo.

Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhawaanahaan kama dhicin dagaalada la xariira aanooyinka qabiil iyo is qab-qabsiga dhulalka,waxaana maamulka Gobolka Mudug uu horay u shaaciyay inay ka hor tagi doonaan falalka noos ah ee horay uga dhici jiray Magaalada.

Latest stories