HomeWararFaah-faahinno kala duwan oo kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah-faahinno kala duwan oo kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada ayaa wararka waxaa ay sheegayaan inuu ka dhacay Hoteel ku yaalla Aga-gaarka Godka jilacow.

Hotelka qaraxu ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Villa Rosa,waxaana uu ka mid yahay hotelada ku yaalla meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo maadaama uu ka ag dhawyahay Godka Jilacow iyo Madaxtooyada,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu weerar barbar socday.

- Advertisement -

Waxaana wararku ay sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ay ku jireen Hotelka la weeraray islamarkaana qaarkood lasoo badbaadiyey.

Warar uu helay TV-ga Dalsan ayaa sheegaya in Wasiirada Amniga  iyo Kaluumeysiga laga soo badbaadiyey hotelka la weeraray oo ay ciidamada ka so saareen.

Wali ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka iyo qaraxaba.

- Advertisement -

Wasiir u dowlaha wasaaradda Bey’ada iyo isbaddalka Cimilada oo ka mid ah masuuliyiinta qaraxa ka badbaaday ayaa qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook ku yiri”Waxaa qarax lagu weeraray Hotel Villa Rays oo aan degganahay, markii nala weerarayna aan dhex fadhiyey anigoo salaadda cishe jameecada la soo tukaday. Waan bed qabaa. الحمد لله. Maalin aanan dhaafi doonin ayaa jirta. Intaa ka dib, nama bajin doonaan shuftada dugaagga ah”

Latest stories