HomeWararMW Xasan Sheekh oo Go'aan culus ka qaatay dadka Isbaarooyinka u yaallan...

MW Xasan Sheekh oo Go’aan culus ka qaatay dadka Isbaarooyinka u yaallan Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay degmada cadale duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo nabadoonada. Kulankaan ayaa looga hadlay dhameystirka arrimaha dib u Heshiisiinta iyo nabadeynta Beelo Walaalo ah oo colaadi ku dhexmartay deegaano hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isla […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay degmada cadale duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo nabadoonada.

Kulankaan ayaa looga hadlay dhameystirka arrimaha dib u Heshiisiinta iyo nabadeynta Beelo Walaalo ah oo colaadi ku dhexmartay deegaano hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isla qaatay in xal guud laga gaaro colaadahaan soo noq noqday ee ka jira deegaanadaan.

- Advertisement -

Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinka ka jira deegaanka oo ay ugu horeyso isbaarooyinka sida sharci darrada ah ugu soo batay deegaanadaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka ka jira deegaankaan ay yihiin colaad beeleedyo iyo isbaarooyin fara badan oo deegaanadaan yaala taas oo hoos u dhigtay horumarkii laga filayay inay gaaraan degmooyinka iyo deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in aan la aqbali doonin isbaarooyinka sharci darrada ah ee daadsan deegaanadaan waxa uuna intaas ku daray in qofkii lagu helo isbaaro uu mudan doono ciqaab sharciga waafaqsan, isagoo xusay in isbaarooyinkaan la baabi’in doono oo ay salka la gali doonaan dad waaweyn oo saraakiil ama qabaailo ah.

- Advertisement -

ugu dambeyn Xildhibaanada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, duubabka iyo madax dhaqmeedyada dhaqanka ayaa saxiixay in aan lasoo dabakici doonin qofkii lagu qabto iyadoo ay isbaaro u taalo ama dadka shacabka ee wadada ku socdaala dhibaateyna.

Latest stories