HomeWararMW Xasan Sheekh oo shaaciyay Adeegyo Deg-deg ah oo la gaarsiinayo degaano...

MW Xasan Sheekh oo shaaciyay Adeegyo Deg-deg ah oo la gaarsiinayo degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeraya qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeelaha dhexe. Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dardargaliyo howlgalda gobolkan looga saarayo As, isla markaana uu dhiirrigeliyo ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeraya qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dardargaliyo howlgalda gobolkan looga saarayo As, isla markaana uu dhiirrigeliyo ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee dagaalka ku jira.

- Advertisement -

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay Saraakiisha hoogaamisa ciidamada ee guulaha kasoo hooyay dagaalka ayaa adkeeyay in loo guntado dagaalka socda.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deegaanka Masaajid Cali Guduud iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah sida Saldhigga Booliska, xarumaha Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Safarkan Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka .

Latest stories