HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Qatar

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha.

- Advertisement -

Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyey dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka.

Latest stories