HomeWararGuddomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay danjiraha Cusub ee Imaaraadka Carabta

Guddomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay danjiraha Cusub ee Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith. Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dalkiisa ay ka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya isla markaana lasii adkeeyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku boggaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, isagoona danjira ku booriyay adkeynta xirirka soo jireenka ah ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

Latest stories