HomeWararBooliska G/Banaadir oo Gacanta ku dhigay Nin Baraha lagu baahiyay Isagoo Tacidiyo...

Booliska G/Banaadir oo Gacanta ku dhigay Nin Baraha lagu baahiyay Isagoo Tacidiyo u geeysanaya Gabar yar

Date:

Related stories

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaaboow, kaasi oo Baraha Bulashada kasoo muuqday asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar aad u da’yar. Muuqaalo iyo sawiroo Baraha Internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinayay Ninkaan oo Tacaddiyo u gaysanaya Gabadhaasi yar,taasi oo u muuqata inuu siiyay Maandooriye, waxaana si weyn uga falceliyay […]

- Advertisement -

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaaboow, kaasi oo Baraha Bulashada kasoo muuqday asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar aad u da’yar.

Muuqaalo iyo sawiroo Baraha Internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinayay Ninkaan oo Tacaddiyo u gaysanaya Gabadhaasi yar,taasi oo u muuqata inuu siiyay Maandooriye, waxaana si weyn uga falceliyay Bulashada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu bixiyay amar degdeg ah oo ku aaddan sidii Ninakasi Gacanta loogu soo dhigi lahaa, waxaana saacado kooban kadib lasoo qabtay Xuseen Xasan Gaaboow oo degganaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaaadir.

Taliska Guud ee Gobolkani Banaadir iyo Taliska Saldhigga Degmada Kaaraan ayaa iska kaashaday sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Eedaysanaha, waxaana Saraakiisha Booliska ay sheegeen in ay Sharciga la tiigsan doonaan Eedaysane Xuseen Xasan.

Taliye Ku Xigeenka 2aad ee Booliska Genaraal Zakiya Xuseen oo Qoraal soo saartay kadib Qabashada Ninkaa, ayaa sheegtay in sharciga la hor geyn doono, sidoo kalena waxaa ay u mahadcelsiay Bulshada Soomaaliyeed oo Xogta Eedaysanaha la wadaagay Booliska.

- Advertisement -

“Taliska Boliiska G/Banadir gaar ahaan Saldhiga degmada Kaaraan ayaa abaaro 1:50am xalay saqdii dhexe ku guuleystay soo qabashada eedeysane Xussein Xassan Gaboow oo dhawaan baraha bulshada lagu arkay asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar/gabdho qaangaar ahayn. Eedeysanaha waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.Waxaan u mahad celinaayaa bulshada oo nala soo wadaagtay xogtiisa oo sababtay soo qabashadiisa”ayay tiri Genaraal Zakiya oo Qoraal soo saartay kadib Soo qabashada Eedaysanaha.

 

 

Latest stories