HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse oo Imaaraadka Carabta kala hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Imaaraadka Carabta kala hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya  Soomaaliya Ahmad Juma Al Rumaithi. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sii adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya. […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya  Soomaaliya Ahmad Juma Al Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sii adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.

- Advertisement -

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u soo magacaawday inuu u fadhiyo Soomaaliya Ahmad Juma Al Rumaithi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladdaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Latest stories