HomeWararMaxkamadda Jubbaland oo saaka Dil toogasho ah ku fulisay Askar dilal geysatay

Maxkamadda Jubbaland oo saaka Dil toogasho ah ku fulisay Askar dilal geysatay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee  dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa manta oo sabti ah waxaa ay  xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Ragga qisaasta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee  dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa manta oo sabti ah waxaa ay  xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ragga qisaasta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow iyo Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday ayaa faahfaahiyay go’aamada kaso baxay maxkamadda.

Labo maalin kahor ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun dil toogasho ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda ah KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

- Advertisement -

Latest stories