HomeWararCiidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed oo Howlgal kusoo qabtay Dhowr qof

Ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed oo Howlgal kusoo qabtay Dhowr qof

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Waxaa xalay xaafaddo ka tirsan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay laga sameeyay howlgalo lagu soo qab-qabtay dhowr qof oo u badan dhallinyaro looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab. Howlgalka laga fuliyay Baydhabo oo ay sameeyeen Ciidanka Nabadsugida Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah looga fuliyay xaafaddaha kala ah Isha, Bardaale, Horseed, […]

- Advertisement -

Waxaa xalay xaafaddo ka tirsan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay laga sameeyay howlgalo lagu soo qab-qabtay dhowr qof oo u badan dhallinyaro looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Howlgalka laga fuliyay Baydhabo oo ay sameeyeen Ciidanka Nabadsugida Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah looga fuliyay xaafaddaha kala ah Isha, Bardaale, Horseed, Holwadaag iyo laamahooda kala duwan ee xaafadahaas maagaalda Baydhabo.

- Advertisement -

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa Ciidanka Nabadsugida ay su’aalo la xiriira dhanka weydiinayeen dhallinyarada, waxaana haatan baaritaano ay ku socdaan ragga lasoo qabtay, iydaoona howlgalka uu sameeyay isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga.

Saraakiisha Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ujeedka howlgalka uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka caasimadda KMG ah ee Maamulka, si looga hortego falal amni darro ah oo mararka qaarkood ka dhaca halkaas.

Marar kala duwan oo hore ayey sidaan oo kale Ciidanka Amniga Koonfur Galbeed howlgalo qorsheysan oo dad lagu soo qab-qabtay uga sameeyeen xaafaddo ka tirsan Baydhabo, oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan iyo weeraro oo ay geysteen rag hubeysan.

Latest stories