HomeWararBooliska oo War kasoo saaray Qarax lagu xiray Gaari oo ay fashiliyeen...

Booliska oo War kasoo saaray Qarax lagu xiray Gaari oo ay fashiliyeen Ciidamada

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qarxiyey miino lagu soo xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano Surf oo la dhigay meel ku dhow Isgoyska Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana ka hadlay Taliska Ciidamada Booliska dowladda. Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidanka Booliska […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qarxiyey miino lagu soo xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano Surf oo la dhigay meel ku dhow Isgoyska Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana ka hadlay Taliska Ciidamada Booliska dowladda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa miino baarista ay fashiliyeen laba qarxa oo lagu xiray gaari Surf ah.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa qof shacab ah, isla markaana Ciidanka ammaanka ay qarxiyeen qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/11/2022 Abaara 9:30am  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo Miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay Fashiliyaan Dhagarta ay la damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba” ayuu Qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta, waxaana dadka shacab ah loo diidayay inay maraan wadada, balse dib loo furay wadadaasi.

Latest stories