HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo laba arrin ka dalbaday Baarlamaanada M/Goboleedyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba arrin ka dalbaday Baarlamaanada M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wadajirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wadajirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhammeystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, waxa uuna tilmaamay doorka xooggan ee Baarlamaannada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhankooda, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan, iyagoo soo dhaweeyey in ay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Latest stories