HomeWararGolaha Ammaanka ee QM oo sii kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia

Golaha Ammaanka ee QM oo sii kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay waxa loogu yeero koox argagaxiso ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay waxa loogu yeero koox argagaxiso ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto.

- Advertisement -

Qaraarkan oo sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika, ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka heleysay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.

- Advertisement -

Waxa uu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.

Danjire Abuukar ayaa waxa uu sheegay in dhibanayaasha “argagixisada” ee Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin sababta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyadoo dalalka kale loo hubeeyo si ay u difaacaadaan dhulkooda iyo dadkooda.

Latest stories