HomeWararMaxay yihiin Dhambaalka iyo farriinta lasoo gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxay yihiin Dhambaalka iyo farriinta lasoo gaarsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh?

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, taas oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, taas oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.

- Advertisement -

Sidoo kale, Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadisay howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab, iyagoo tilmaamay doorka wanaagsan ee ay ka soo qaateen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka.

Latest stories