HomeWararDowladda Somalia oo Amartay in la joojiyo qorista/dhoofinta Shaqaale ama xoogsato

Dowladda Somalia oo Amartay in la joojiyo qorista/dhoofinta Shaqaale ama xoogsato

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aan ay ku joojisay dhoofinta dadkii Soomaaliyeed ee shaqo doonka ee dalka dibaddiisa loo dhoofin jiray iyo  shaqaaleysiinta shaqaale cusub. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in muhiim ay tahay la yareeyo xaddiga shaqo la’aanta ka […]

- Advertisement -

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aan ay ku joojisay dhoofinta dadkii Soomaaliyeed ee shaqo doonka ee dalka dibaddiisa loo dhoofin jiray iyo  shaqaaleysiinta shaqaale cusub.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in muhiim ay tahay la yareeyo xaddiga shaqo la’aanta ka jirta dalka gudihiisa ee saameynta ku yeelatay noloshada Bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa tilmaamtay  in hay’addo iyo shirkaddo ay si sharci darro ah dalka dhoofiyaan shaqaale Soomaaliyeed, iyada oo aan Wasaaradda Shaqada lagu wargelin, sidoo kalena aysan jirin heshiisyo laba geesood ah oo shaqosiin dibaddeed ah.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu xaqiijiyay inay jiraan tacadiyo iyo xad-gudubyo lagula kaco dadkii loo dhoofiyay dalka dibaddiisa, kuwaasi ah oo cabashooyin soo gaarsiiyay Wasaaradda, isla markaana keentay Go’aanka deg-dega ah ee la qaatay.

Gaba-gabadii Wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in la joojiyay in shirkad ama  hay’ad adeeg shaqosiin bixisa aysan shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed nooc kasta ha’ahaadeen aysan qoran karin, isla markaana u dhoofin karin dalka dibaddiisa, lana baabi’iyey ruqsadihii iyo shatiyadii hore.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Shaqada dowladda.

Latest stories