HomeWararDowlad Goboleedyada oo joojiyay wadashaqeyntii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta DF

Dowlad Goboleedyada oo joojiyay wadashaqeyntii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta DF

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Technologiyada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta maamulada ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka Boostada DF Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyey xiriirkii labada heer […]

- Advertisement -

Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Technologiyada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta maamulada ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka Boostada DF Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyey xiriirkii labada heer ee Wasaaraddaha, isla markaana uu kaligiisa qaaday tallaabooyin dhowr ah.

- Advertisement -

Wasiirada Boostada maamulada ayaa Wasiir Jaamac ku eedeeyay inuu dhowr jeer baajiyay shirar lagu balansanaa inay labada dhinac ay yeeshaan, si wadashaqeyn loo dhan yahay looga wada yeesho siyaasadaha Isgaarsiinta iyo Technologiyada dalka.

Sidoo kale Wasiirada ayaa Qoraalkooda ku xusay in Wasiirka uu si musuq-maasuq ah uu ku maamulayo mashruuca Digital Integration oo World Bank dhawaan bilaabeyso, isla markaana ay ku baxeyso lacag dhan ah 80 Milyan oo dollar.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Wasaaraddaha Boostada maamulada.

- Advertisement -

Latest stories