HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeedinayay kala fadhiga 2aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay markii uu xilka la wareegay uu la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo AL-Shabaab. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay howlahii uu soo qabtay Barlamaanka kalfadhigii hore, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeedinayay kala fadhiga 2aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay markii uu xilka la wareegay uu la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo AL-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay howlahii uu soo qabtay Barlamaanka kalfadhigii hore, oo ay ugu horreyso doorashooyinkii, guddoonka, madaxweynaha iyo kalsooni siinta ra’isulwasaaraha iyo xukuumadda iyo Sidoo kale dhisitaankii guddiyadii joogtada ahaa iyo xubnahii ku matali lahaa barlamaanada caalamka.

- Advertisement -

Waxaan sidoo kale, bogaadinayay xubnaha golayaashan ee u guntaday inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida iyo shacabka soomaaliyeed, Waxaana uu intaa ku daray in Baarlamaanku ay  shacabka Soomaaliyeed hormuud ugu noqodeen macnaha dhabta ah ee mataalaadda shacabka.

Xasan Sheekh ayaa mar uu ka hadlayay dagaalka AL-Shabaab waxaa uu yiri “maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo ALShabaab. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena. Dalka iyo dadku waxay inooga baahan yihiin xilgudasho dhammeytiran oo ah in aan dhinac uga soo wadajeesano halka cadaw ee Soomaaliyada maanta; waa in aan isku garabsiino shacab iyo dowladba sidii aan Dalka oo dhan aan uga xoreyn laheyn cadawagaas”

 

- Advertisement -

 

Latest stories