HomeWararMucaaradka Somaliland oo sheegay inaysan Madaxweyne u aqoonsanayn Muuse Biixi

Mucaaradka Somaliland oo sheegay inaysan Madaxweyne u aqoonsanayn Muuse Biixi

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Labada xisbi ee mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay inaysan Madaxweyne u aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddisia. Hadalkan ayey xisbiyadu sheegeen in ay ku egtahay mudda xileedka asalka ahaa ee madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Hase yeeshee bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay horraanteedii ayey ahayd markii Golaha Guurtida Somaliand ay sheegeen inay muddadii […]

- Advertisement -

Labada xisbi ee mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay inaysan Madaxweyne u aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddisia.

Hadalkan ayey xisbiyadu sheegeen in ay ku egtahay mudda xileedka asalka ahaa ee madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Hase yeeshee bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay horraanteedii ayey ahayd markii Golaha Guurtida Somaliand ay sheegeen inay muddadii madaxwyenaha ku kordheen mudod laba sano ah.

- Advertisement -

Sidoo kale guddiga doorashada Somaliland ayaa iyaguna horey u sheegay inay u baahan yihiin waqti ilaa 9 bilood ah oo ka bilaabnaysay bilowga Oktoobar.

War saxaafadeed kasoo baxay labada xisbi ee Waddani iyo UCID oo uu akhriyey musharraxa xilka madaxwyenennimo ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cabdiraxmaan Cirro” ayuu ku sheegay inau xisbiyada mucaardkau ay diyaar u yihiin wixii wadahadal ah ee ku saabsan doorashooyin in la qabto.

Waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradku ay aqoonsayihiin golayaasha sharciga ku fadhiya sida baarlamaanka, maxkamadda, dawladaha hoose iyo maamulka adeegga dadweynaha.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay inay ugu baaqayaan dadwyenaha nabad iyo isku duubni iyo inay ilaashadaan nabadgelyadooda. Waxay mucaaradku ugu baaqeen ciidamada qalabka sida inay u hogaagnsamaan dastuurka oo keliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Goobta laga akhrinayey war saxaafadeedka waxaa sidoo kale ku sugnaa guddoomiyaha xibsiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

.

Latest stories