HomeWararWararkii ugu dambeeyay Dilal ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Dilal ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka kala dhacay dilal qorsheysan loo geystay darawalo gaadiid xamuul kaxeeyn jiray iyo Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Eybakar. Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa isgoyska Baar-ubax ee degmada Howlwadaag ku dilay laba Nin oo lagu kala […]

- Advertisement -

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka kala dhacay dilal qorsheysan loo geystay darawalo gaadiid xamuul kaxeeyn jiray iyo Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Eybakar.

Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa isgoyska Baar-ubax ee degmada Howlwadaag ku dilay laba Nin oo lagu kala magacaabi jiray Faarax Jimcaale iyo Cabdi Saytuun, kuwaasi oo la sheegay inay darawalo ka ahaayeen gaadiid nooca xamuulka ee ka shaqeeya Muqdisho illaa Gobolada dhexe.

- Advertisement -

Dhinaca kale xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ayaa waxaa xalay fiidkii lagu dilay Nabaddoon Xasan Cali Eybakar oo kamid ahaa Nabaddoonada caanka ahaa gudaha degmadaas, isagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaas ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay geysteen rag hubeysan, ammaanka Muqdisho ayaa u muuqda mid  faraha kasii baxaya.

Shalay iyo habeen hore ayey aheyd markii degmooyinka Dharkeenley iyo Deyniile ee Gobolkaan Banaadir lagu kala dilay Sarkaal Ciidan iyo Imaamkii masaajidka dabaqeynka ee ku yaalla Dharkeenley, waxaana dilalkaas sheegtay mas’uuliyadooda Al-shabaab.

Latest stories