HomeWararTaliska Booliska oo ka hadlay Qaraxyo ay Ciidanka Ammaanka qabteen iyo raggii...

Taliska Booliska oo ka hadlay Qaraxyo ay Ciidanka Ammaanka qabteen iyo raggii waday

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ku qabtay mooto Bajaaj sidday ugu yeraan labo nooc oo qarax ah, kuwaasi oo laamaha ammaanka gacanta ay ku dhigeen. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in la qabtay Mooto Bajaaj lagu […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ku qabtay mooto Bajaaj sidday ugu yeraan labo nooc oo qarax ah, kuwaasi oo laamaha ammaanka gacanta ay ku dhigeen.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in la qabtay Mooto Bajaaj lagu waday qaraxyo miinooyin ah oo kala ahaa MB 5 Motorcycle Alarm System (Remote) iyo Explosive Formed Projectile (EFP) nuuca loo yaqaano SOO-BOODO.

- Advertisement -

Wuxuu hadalkiisa intaas uu kusii daray Afhayeenka Booliska dowladda in qaraxyadaan ay Al-shabaab la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka, waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka.

Sidoo kale Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa tilmaamay in laamaha ammaanka Booliska dowladda ay ka hortageen qaraxyadaas lagu qabtay gudaha degmada Afgooye, isla markaana gacanta lagu dhigay laba xubnood oo la socday Mooto Bajaajta.

Al-shabaab ayaa inta qaraxyada qaraxyo miinooyin ah Gobolka Shabeellaha Hoose kula beegsata gaadiidka ay saaran yihiin Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ciidanka ATMIS, waxaan qaraxyo ka dhacay Gobolkaas lagu dilay Guddoomiyeyaal Degmo, mas’uuliyiin kale iyo Saraakiil Ciidan.

Latest stories