HomeWararMucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay in Muuse Biixi aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn

Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay in Muuse Biixi aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa Caawa ku dhawaaqay Go’aano ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kadib markii Madaxda mucaaradka ay saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku yeesheen magaalada Hargeysa. Madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani oo ay kala hoggaamiyaan C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi […]

- Advertisement -

Madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa Caawa ku dhawaaqay Go’aano ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kadib markii Madaxda mucaaradka ay saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani oo ay kala hoggaamiyaan C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi laga bilaabo Maanta aysan Madaxweyne sharci ah u aqoonsaneynin.

- Advertisement -

C/raxmaan Cirro iyo Feysal Waraabe oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Muuse Biixi uu muddo xileedkiisa dhammaaday, isla markaana ay u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne hore.

Shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ayey Madaxda Xisbiyada mucaaradka ugu baaqeen in diidaan wixii sharci darro ah, oo Xukuumadda ka yimaada, maadaama uu muddo xileedkiisa dhammaaday Madaxweynihii Somaliland.

Si kastaba Muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eg Maanta oo 13-ka November 2022, iyadoona dhawaan Golaha Wakiilada Somaliland ay Madaxweynaha Somaliland muddo kordhin u sameeyeen.

Latest stories