HomeWararWararkii ugu danbeeyay Sarkaal Ciidan oo saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal Ciidan oo saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa saaka xaafadda Sii-Sii ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Milateriga, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Warsame (Waran ). Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag dhallinyaro ah oo watay Mooto nooca laba lugaaleyda ah ee Fekon-ta loo […]

- Advertisement -

Waxaa saaka xaafadda Sii-Sii ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Milateriga, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Warsame (Waran ).

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag dhallinyaro ah oo watay Mooto nooca laba lugaaleyda ah ee Fekon-ta loo yaqaan ay dileen Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Waran oo durbadii ku dhintay goobta lagu toogtay.

- Advertisement -

Kooxihii ka danbeeyay dilka loo geystay Jeneraalka ka tirsanaa Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta si dhaqsi ah uga cararay, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaas khaarijinta ahaa ee ka dhacay degmada Deyniile ee Muqdisho.

Dilka Cabdullaahi Xuseen Warsame (Waran ) ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay kooxo hubeysan oo watay bastoolado ay gudaha degmada Dharkeenley ku dileen, Imaamkii masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan lagu dilay dad shacab ah, mas’uuliyiin, Askar iyo xubno kale, waxaana inta badan dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories