HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kulan la yeelanaya Afawerki & Qodobka laga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kulan la yeelanaya Afawerki & Qodobka laga hadlayo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa Maanta  oo jicmo ah waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas Isaias Afawerki. Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga, sida lagu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa Maanta  oo jicmo ah waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas Isaias Afawerki.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxtooyada ayaa ujeedka Madaxweynaha ku sheegtay inuu yahay mid muhiimad siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel  oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu booqasho 4 maalmood ah ku joogi doono magaalada Asmara.

Dalka Ereteriya ayaa waxaa ku sugan kumanaan Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu tababaray dalka Ereteriya , waana safarkii labaad uu Madaxweynaha ku aaday dalkaas oo markii la doortay uu booqasho ku tagay.

Latest stories