HomeWararXukuumadda Biixi oo shaacisay inay dhamaystirtay qorshayaasha Doorashooyinka Somaliland

Xukuumadda Biixi oo shaacisay inay dhamaystirtay qorshayaasha Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii 102-aad ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxaana shir guddoomiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici. Ugu horrayn, golaha ayaa war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo ka war-bixiyey xaaladda guud ee la xiriirta amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku boggaadinayaan Ciidammada […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii 102-aad ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxaana shir guddoomiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici.

Ugu horrayn, golaha ayaa war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo ka war-bixiyey xaaladda guud ee la xiriirta amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku boggaadinayaan Ciidammada Somaliland shaqada ay hayaan.

- Advertisement -

Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha saddexaad ee horumarinta ee (NDP3), Sidoo kale goluhu ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka, Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaalladda, Saleebaan Warsame Guuleed oo kaashanaya Garyaqaanka Guud Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Golaha u sharraxay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci, iyada oo goluhu u  ballamay inuu dood ka yeesho shirarka dambe.

Ugu dambayn, goluhu waxaa uu xusay inay xukuumaddu dhamaystirtay wixii waajibaada ee kaga aaddanaa dhinaca doorashooyinka; sida Ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo xukuumaddu raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

- Advertisement -

Gaba-gabadii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku boorrisay dhammaan shacabka kunool deegaannada Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.

Latest stories