HomeWararLaamaha amniga oo Maanta Muqdisho ku qabtay Rag Bam ku tuuray Dad...

Laamaha amniga oo Maanta Muqdisho ku qabtay Rag Bam ku tuuray Dad shacab ah

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah gacanta kusoo dhigay rag la sheegay inay Bam gcameed ku tuureen dad shacab ah oo marayay wadada 21 OCT gaar ahaan aaga Hotel Nasahablood ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in raggaas oo […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah gacanta kusoo dhigay rag la sheegay inay Bam gcameed ku tuureen dad shacab ah oo marayay wadada 21 OCT gaar ahaan aaga Hotel Nasahablood ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in raggaas oo watay Mooto Bajaaj ay Bam gacmeed ku tuureen dadweyne, isla markaana Bambada ay iyagu ku qaraxday.

- Advertisement -

Wuxuu intaas kusii daray Afhayeenka Booliska dowladda Federaalka Sadiiq Doodishe in ragga ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, isla markaana haatan lagu dabiibayo mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa manta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj, ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale Qoraalka uu kusoo qoray bartiisa Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayuu sii raaciyey “Eedeysanayaasha oo ay iyaga ku qaraxday bombadii ayaa hada lagu dabibayaa hospital”. Muqdisho ayaa waxaa horey loogu qabtay rag geystay falalkaan oo kale.

Latest stories