HomeWararDuqa Caasimadda Rwanda oo ballan-qaad u sameeyay Duqa Magaalada Muqdisho

Duqa Caasimadda Rwanda oo ballan-qaad u sameeyay Duqa Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Duqa Caasimadda Kigaali Mr Pudence ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo gaaray dalkaas Rwanda. Wafdigaan oo isugu jiray Agaasimayaal iyo la-taliyaal farsamo ayaa maalmaahaan u joogay Caasimadda Rwanda ee Kigaali safar shaqo oo aqoon kororsi iyo isdhaafsi la xiriiro hawlaha horumarineed ee Dawladda Hoose ee Kigaali. […]

- Advertisement -

Duqa Caasimadda Kigaali Mr Pudence ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo gaaray dalkaas Rwanda.

Wafdigaan oo isugu jiray Agaasimayaal iyo la-taliyaal farsamo ayaa maalmaahaan u joogay Caasimadda Rwanda ee Kigaali safar shaqo oo aqoon kororsi iyo isdhaafsi la xiriiro hawlaha horumarineed ee Dawladda Hoose ee Kigaali.

- Advertisement -

Duqa Caasimadda Kigaali ayaa wafdiga la wadaagay darenkiisa ku aadan in uu aad ugu faraxsanahay la kulanka wafdiga Muqdisho, isagoo balan qaaday in Kigaali ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqeeyso dhigeeda Caasimadda Muqdisho dhinacyada Horumarinta guud.

Dhinaca kale wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah waaxaha Dawladda Hoose ee Kigaali sida qaybaha kala ah Nadaafadda magaalada, Maamulka darjiinooyinka dadweynaha, biyomareenada, Maamulka Shaqaalaha, Qorshaynta iyo dajinta miisaaniyadaha.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in uu Guddiga la kulmo qaybo farabadan oo ka mid ah Dawladda Hoose ee Kigaali.

Latest stories