HomeWararMadaxweyne Deni oo weli kulamo uu la leeyahay Beesha Caalamka ka wada...

Madaxweyne Deni oo weli kulamo uu la leeyahay Beesha Caalamka ka wada Nairobi

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde. Kulanka waxaa looga hadlay taageerada Dowladda Sweden ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Puntland, iyadoo Madaxweynuhu uga mahadceliyay Dowladda Sweden garab istaaga Hay’adaha ku shaqo leh Dimuqraadiyadda oo ay ugu horeyso […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde.

Kulanka waxaa looga hadlay taageerada Dowladda Sweden ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Puntland, iyadoo Madaxweynuhu uga mahadceliyay Dowladda Sweden garab istaaga Hay’adaha ku shaqo leh Dimuqraadiyadda oo ay ugu horeyso Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo dhiirrigelinta hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland oo rajo u ah Soomaaliya oo dhan.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo  Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde ayaa laga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa Mashaariicda Sweden ka taageerto Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula kulmay, Safiirka Ingiriiska Damon Bristow, Safiirka Netherlands/Holland ee Soomaaliya Amb. Maarten Brouwer, Safiirka cusub ee Denmark, wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, iyo Safiirka Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali.

Latest stories