HomeWararDowladda Federaalka oo sheegtay inay dishay dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Federaalka oo sheegtay inay dishay dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkii ka dhacay Ceel Gorof lagu dilay in ka badan 50 ka tirsan […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Gagaduud, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkii ka dhacay Ceel Gorof lagu dilay in ka badan 50 ka tirsan Alshabaab, waa sida lagu sheegay Warka dowladda.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu burburiyay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka xubnaha la dilya.

Dhinaca kale Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra  ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsanaa Shabaab, waa sida lagu yiri Warka Wasaaradda Warfaafinta soo saartay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda soo saartay

- Advertisement -

Latest stories