HomeWararAgaasimaha Hay’adda NISA oo Maanta gaaray Magaalada Addis Ababa & ujeedkiisa

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Maanta gaaray Magaalada Addis Ababa & ujeedkiisa

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Gelinkii dambe ee Maanta, Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay. Agaasime Mahad Salaad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya, waxaana intaas kadib loo galbiyey dhanka gudaha magaalada, Agaasimaha ayaana ka mahadceliyay […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta, Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Agaasime Mahad Salaad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya, waxaana intaas kadib loo galbiyey dhanka gudaha magaalada, Agaasimaha ayaana ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdi la socday.

- Advertisement -

Mahad Salaad ayaa sida uu qorshahu yahay Itoobiya ku joogaya safar laba cisho ah, isla markaana waxaa uu kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaas Taliyaha Nabadsugida Xukuumadda Addis Ababa, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Dhinacayda ayaa si gaar ah kulankooda diirada ugu saaraya muhiimada ay leedahay ka hor taga waxa loogu yeero Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya iskaga kaashadaan.

Safarka Agaasime Mahad Salaad ayaa kusoo beegmay maalmo yar kadib markii Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola uu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu Agaasimaha NISA soo gaarsiiyay casuumaadda safarka maanta.

Latest stories