HomeWararTaliye Odawaa oo faah faahin ka bixiyey khasaaraha Qaraxii ka dhacay xerada...

Taliye Odawaa oo faah faahin ka bixiyey khasaaraha Qaraxii ka dhacay xerada Nac-naca

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah faahin ka bixiyey qarax is-miidaamin ah oo fiidkii xalay ka dhacay xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Taliye Odawaa oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa u sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu doonayey inuu dhex-galo […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah faahin ka bixiyey qarax is-miidaamin ah oo fiidkii xalay ka dhacay xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Taliye Odawaa oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa u sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu doonayey inuu dhex-galo dhallinyaro dooneysay inay qortaan Askarnimo uu qarxay inta uu saaran gaarin halkii bartilmaamedkiisu ahaa ee dhallinyarada.

- Advertisement -

Wuxuu xaqiijiyey Taliye Odawaa in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir uu geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhintay 5 qof oo isugu jiray Askar iyo dhallinyaro, halka 11 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas uu kusii daray inay socdaan baaritaano xooggan oo ku aadan qaraxaas, iyo sidii looga hortegi lahaa falalka qaraxyada oo Al-shabaab la beegsato dhallinyarada qoroneysa Askarnimada.

Gaadiidka gurmadka deg-dega oo durbadii goobta qaraxu ka dhacay gaaray ayaa waxaa halkaas ka daabulay dadkii dhaawacmay, isla markaana waxaa loola cararay qaar kamid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

- Advertisement -

Si kastaba, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo is-miidaamin ah la beegsaday xerada nac-naca oo lagu tabbabaro Ciidanka Xoogga, sidoo kalena lagu qoro dhallinyarada dooneysa inay ku biiraan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories